Barcelona Oo Xaqiijisay Dhaawaca Ciyaaryahan Luis Suarez

0

Barcelona ayaa xaqiijisay in Luis Suarez uu dhaawac kasoo gaaray lugtiisa midig intii lagu jiray kulankii dhacay shalayu oo sabti ahyd xili kooxdiisana ay la kulantay guuldarado lama filaan ah oo 3-1 ay kasoo gaartay naadiga Levante.

Laacibka reer Uruguay ayaa lagu qasbanaaday in la badalo wax yar ka hor intaysan gaarin qeybta labaad ciyaartii kasoconeysay Estadio Ciudad de Valencia, halkaas oo kooxda heysata horyaalka Spain laga badiyay markii ugu horeysay tan iyo 21kii September.

Qoraal lagu soo dhigay bogga rasmiga ah ee Barca ayaa lagu sheegay in Suarez uu dhaawac kubka ah soo gaaray, laakiin kooxda reer Catalan wali ma shaacin goorta laga yaabo inuu weeraryahanku diyaar u noqdo in uu kusoo laabto xeeyndaabka cagaaran .

32 jirkan ayaa sideed gool dhaliyay 12 kulan oo uu u saftay kooxda uu maamulo Ernesto Valverde xilli ciyaareedkan inkasta oo uu wakhti ku qaatay dhaawac kubka ah oo horay usoo gaaray balse uu ka kabsaday ugu dambeyn .

Barca talaabada u xigta qasaradii shalay kasoo gaartay Levante waxa ay noqon doontaa in ay garoonkooda kula ciyaarayaan Slavia Prague kulan ka tirsan koobka horyaalda yurub ee Champions League habeenka talaadada ka hor inta aysan ku soo dhaweyn Celta Vigo Camp Nou isbuuca soo socda.

Ousmane Dembele ayaa diyaar u ah xulashada ka dib ganaax uu ku maqnaa, laakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaan xitaa ku jirin kooxdii guuldarada Sabtidii ka soo gaartay Levante.

si kastaba kooxda kubada cagta barcelona ayaa culeys badan ku dareemi doonta maqnaashiyaha weeraryahankooda halista badan waxana ay masuulioyada ugu weyn ay dusha ka fuuli doontaa Xidgaha Messi Antoine Griezmann iyo Dembele kuwaas oo ah xidigaha weeraraka ee u bad qaba Barcelona

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here