Diyaarad markii ay duushay hal taayar oo ka mid ah lugaheeda uu ka dhacday!… + SAWIRRO

0

Diyaarad ay leedahay shirkadda Silverstone Air ayaa waxaa halis weyn ay soo food saartay rakaab ay sidday markii ay todobaadkan ka duushay garoonka Lodwar ee gobolka Turkana ee Kenya, waxaana diyaaraddan ay siday 4 rakaab ah iyo 5 shaqaale iyadoo ku sii jeedday Nairobi.

Laakiin markii ay diyaaraddu kacday ayaa waxaa ka dhacay hal taayar oo ka mid ahaa cagihii ay ku degi lahayd, taasoo ku qasabtay in ay si deg deg ah ugu degto garoonka Eldoret International Airport.

Dhammaan sagaalkii qof ee saarnaa diyaaraddaasi ayaan wax dhibaato ah soo gaarin.

Weli baaritaan ayaa lagu sameynayaa wixii sababay arrintan, inkastoo shacabka Kenya ay baraha bulshada ee dhinaca Internet-ka ku muujiyeen inay ka niyad jabeen shirkadda Silverstone Air.

11-kii bishan October, 2019 waxaa isla shirkaddan mid ka mid ah diyaaradaheeda oo ka soo duushay Magaalada Nairobi, kuna sii jeedday Lamu ay ka baxday khadkii diyaaraddu ku cararaysay, iyadoo rakaabkii ay sidayna aanan wax dhibaato ah soo gaarin.

Dhanka kale hay’adda duulista hawada Kenya ayaa haatan baaritaan ku samaynaysa shirkadda Silverstone oo cilladahan qabsaday ay halis gelinayaan rakaabka iyo shaqaalaha shirkaddaasi.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here