LAYAAB: Ninka aan weligiis duqoobeynin… + SAWIRRO

0

Haddii aad maqli jirtay hebel ma duqoobo oo wuxuu leeyahay weji carruureed,  waxaa haatan la hayaa nin aan weligii gaboobeyn, taasoo ay ugu wacan tahay in korriimadiisu istaagtay markii dhaawac culus uu madaxa ka gaaray markii uu 6 jirka ahaa.

Zhu Shenkai oo u dhashay Waddanka Shiinaha ayaa waxaa xilligii uu lix jirka ahaa isagoo ciyaar ku jiray waxaa dhagax uu kaga dhacay madaxa.

Ninkan oo ku nool deegaanka Hubei ayaa mar wareysi la la yeeshay isagoo ka shaqeynaya xirfaddiisa tima jaraha waxa uu sheegay in uu weli u muuqdo mid muuqaal carruur leh, taasoo uuba ka shakisan yahay inay tahay sababta uu xaas iyo carruur u yeelan la’yahay.

Shengkai ayaa dhagixii kaga dhacay madaxa waxa uu sababay in ay jug xooggan ka gaarto qaybta maskaxda ee qaabilsan soo deynta  Hormoonnada maamula korriimada jirka bani’aadamka.

Warbaahinta Shiinaha oo ku booqatay ninakan halka uu deggan yahay ayaa waxa uu kaga sheekeeyay jugta ku dhacday ee sababtay in gebi ahaanba ay istaagto korriimadiisii, waxaana uu yiri

«Inkastoo aan 34 jir ahay, haddana jirkaygu wuxuu u shaqeynayaa sidii canug yar, taasoo laga garan karo codkayga iyo muuqaalkayga oo weli sida carruurta oo kale ah» ayuu yiri Shengkai.

Isagoo ka sheekeynaya wixii gaaray ayuu Shengkai waxa uu caddeeyay in markii uu dhagaxa madaxa kaga dhacay aan wax dhiig ah ka soo daadan, taasoo waalidkiis ay u qaateen dhaawac iska fudud, hase yeeshee isla habeennimadii jugtu gaartay ayaa waxaa lagu arkay qandho saa’id ah, isagoo ka soo reyn waayay.

3 cisho dabadeed waalidkiis waxa ay u qaadeen Isbitaal, waxaa dhaqaatiirtu ay sheegeen in ay jirto xinjir dhiig ah oo maskaxda fadhisa, kaddibna qalliin ayay ku sameeyeen wayna ka saareen, iyagoo u sheegay in xaaladdiisu ay heer sare tahay wixii hayayna laga daweeyay.

Saddex sano dabadeed waxaa Shengkai waalidkiis ay dareemeen in wiilkoodu uusan koreynin ama dheeraaneynin marka loo eego carruurta asaagiisa ah, waxaana markii uu 9 jirsaday uu weli la cabir ahaa muuqaalka 6 jir, taasoo muujinaysay haba yaraatee in wax korriimo ah aysan ku kordhin.

Muddo kaddib waxaa laga soo waday baadiyihii iyadoo loo gudbiyay Isbitaal weyn, kaasoo markii baaritaan lagu sameeyayna ay dhaqaatiirtu u sheegeen in wiilkani dhaawac ka gaaray maskaxda qaybta qaabilsan korriimada jirka, waxaana ay u qoreen dawo uu qaadanayay muddo 5 sanadood ah.

Wax isbeddel ah laguma arag Mr. Shengkai oo illaa maanta isagoo 34 jir ah u muuqda ilmo yar, iyadoo ninkani aan wax astaan ah nin weyn ah aysan ka muuqan wejigiisa.

Isagoo kaftamaya ayaa waxa uu Shengkai hadalkiisa ku soo gabagabeeyay «Markaan arko dadka ila faca ah ee aan isku cimriga nahay waxaan wejiyadooda ku arkaa xoogaa calaamado muujinaya in ay gaboobeen, laakiin wejigayga weli waa sidii carruurta ma lahan maqaar duuduuban, wayna fiicnaan lahayd in aan sidan sii ahaado xitaa marka aan gaboobo».

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here