Marka uu qofku 45 sano kor u dhaafo midkee caafimaad badan inuu tartiib u socdo iyo inuu socod boobsiiyo ?

0

Bani’aadamka ayaa ku kala geddisan dhanka socodka iyadoo aysan ku sii jirin marka uu qofku afartameeyada kor u dhaafo ama kontonka galo, laakiin daraasad cusub oo dhanka caafimaadka ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in farqi weyn uu u dhexeeyo 45 jirrada aayarka u socda kolkay lugeynayaan iyo kuwa socodka boobsiiya.

Daraasaddan oo ay sameysay jaamacadda Duke University ee Waqooyiga Carolina ee Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka da’doodu ka sarreyso 45 sano ee kolkay soconayaan qunyar socda ay halis ugu jiraan xanuunno badan oo ay ugu horreeyaan cudurrada maskaxda ku dhaca ee Dementia.

Waxaa kale oo ay daraasaddu tilmaamaysaa haddii qofku 45 gaaro ama ka sare maro misna uu marka uu soconayo tartiib u dhaqaaqdo ay tilmaan u tahay  in qofkaasi gabow deg deg ah soo hayo, wejigiisa jirkiisa ay waayeelnimadu ka soo baxayso.

Khubarada jaamacadda Duke University waxay kaloo ogaadeen in dadka tartiibta u lugeeya ay ka maskax cabir yar yihiin kuwa socodka boobsiiya, xitaa waxay daraasaddu xaqiijinaysaa in tartiib u socdayaashu ay ka maskax firfircooni yar yihiin carruurta 3 jirrada ah.

Daraasaddan ayaa daba joogtay daraasad kale oo muddo fog lagu sameeyay New Zealand, kaddib markii baaritaan joogto ah lagu sameeyay 904 qofood oo isku waqti dhashay, kuwaasoo baaritaan lagu sameynayay illaa ay ka gaarayeen 45 sano.

Warbixintaas oo lagu daabacay JAMA Network Open ayaa waxaa ku jirtay baaritaannada Iskaanarrada MRI ee lagu sameeyay dadkaasi, iyadoo markii la baaray dadkaasi 45 jirrada gaaray inta tartiibta socota iyo inta socodka dedejisa la ogaaday in kuwa aayar socda ay maskaxdoodu ka duwan tahay dad kale ee ay isu da’da yihiin, iyadoo tijaabbada maskaxdooda laga qaaday ay u muuqatay in maskaxdoodu ka duqsan tahay kuwa kale.

Isku soo wada duuboo waxay labadan daraasadoodba ay xaqiijiyeen in qofba qofka uu ka socod dheer yahay ama ka socod boobsiis badan yahay marka uu yar yahay in socodkaasi deg degga ah uu anfacayo marka uu weynaado, isla markaana ay gaashaan uga tahay gabowga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here