Maxuu Ka Yiri Mourinho qabashada Shaqada Arsenal..?

0

Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka la xiriirinayay inuu noqonayo badelka Unai Emery ee naadiga Arsenal.

Waxaa jiray war ku saabsan suurtogalnimada uu Jose Mourinho tababare ugu noqon karo kooxda Arsenal, si uu u noqdo badelka Unai Emery, kahor inta uusan macalin u noqonin Tottenham Hotspur.

Arsenal ayaa si rasmi ah shaqada uga ceyrisay macallinka reer Spain ee Unai Emery maanta oo jimco ah, sababa la xiriira natiijooyinka xun ay kooxda la kulantay xilliyadii lasoo dhaafay.

Haddaba macalinka reer Portugal ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka barri ay kula ciyaari doonaan kooxda Bournemouth horyaalka Premier League wuxuu ku yiri mid ka mid ah wariyaashii qeybta ka ahaa shirka.

“Macno malahan inaan kuu sheego, waan ku faraxsanahay halkan, mana ka fekeri karo koox kale”.

“Haddii la i soo hor dhigo dhamaan kooxaha aduunka oo dhan xilligan la joogo, waxaan dhihi doonaa maya”.

Jose Mourinho ayaa la wareegay masuuliyada shaqada tababarka kooxda Tottenham labadii ciyaar ee ugu dambeysay, isagoo badal u noqday macalinka reer Argentina ee Mauricio Pochettino, wuxuuna guul gaaray labadiisa kulan ugu horeysay ee Spurs-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here