Shiinaha oo bixiyay shatigii ugu horreeyay ee boostada deg degga ah ee ay qaadayso diyaaradda Drone-ta

0

Waddanka Shiinaha ayaa markii ugu horreysay bixiyay Shatiga ama Laysinka tijaabada Boostada lagu qaadayo diyaaradaha Drone-ta, taasoo si deg deg ah qof walba adeeggiisa ugu geyneysa.

Shirkadda Antwork Technology ee fadhigeedu yahay gobolka Zhejiang ee Bariga Shiinaha ayaa Shati dhanka Boostada ka heshay hay’adda Maamulka Duulista Rayidka ee Shiinaha (CAAC), waxaana shirkaddan ay adeegga Boostada ku geyn doontaa diyaaradaha dronte-ta bilaa duuliyaha ah ee dhulka laga hagayo.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii 2013 waxaa shirkadda weyn ee dhanka dukaamaysiga Online-ka ee Amazon ay soo bandhigtay fikradda ah in dalabka dadweynaha ee boosto ahaanta dadka loogu geeyo halkii diyaarado iyo gaadiid lagu qaadi lahaa loo isticmaalo Diyaaradda duuliye la’aanta ah ee Drone-ta, iyadoo wixii xilligaa ka dambeeyayna shirkadaha ganacsiga casriga ah ee Internet-ku ay tijaabo ku bilaabeen sida diyaaradda Dronte-tu loogu qaadi karo baakado ay ku jiraan waxyaabaha ay dadku ka dalbadaan shirkadahaasi.

Intii aysan shirkadda Antwork helin Shatiga Dronte-ta Boostada qaadda waxa ay ku guuleysatay 20,000 oo tijaabo oo ay u adeegsatay diyaaradaha Dronte-ta taas oo dhulal buuraley ah iyo goobo aysan gaadiidku gaarin Boostooyin ugu geystay dad ku noolaa, iyadoo tijaabooyinkaasina ay kor meeraysay hay’adda Maamulka Duulista rayidka ee Shiinaha, taasoo si wacan ugu qanacday adeeggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here