Wadanka Ugu Badan Caalamka Ee ay Kasoo Jeedaan Burcada Internet-ka

0

Marka shaqo la’aantu ku badato waddan waxaa dhallinyaradiisu ay keenaan qaab ay nolol maalmeedkooda ku dabari karaan xoog iyo xeelad teey doonto ha noqotee, waxaana jira waddan loo aqoonsaday inuu yahay kan ugu badan ee dadkiisu ay yihiin burcad Internet ama kuwo xaalufiyay hantida caalamka iyagoo adeegsanaya xirfaddooda dhanka Computer-ka.

Warbixin dhowaan ka soo baxday xafiiska sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa lagu sheegay in la qabtay shabakaddii ugu weyneyd ee Internet-ka jabsata taariikhda Mareykanka oo koobneyd 80 qofood oo 77 ka mid ah ay yihiin Nigerian, iyadoo sidoo kalena lagu raad joogo 57 kale oo kuwan xiriir la leh oo dibadda Mareykanka ku nool. Kooxdani ayaa lagu raad joogay kaddib markii xafiiska cabashooyinka dhanka Internet-ka ee FBI-da ay soo gaareen 14,000 oo cabashooyin ah oo ay muwaadiniin Mareykan ah kaga cabanayeen in la dhacay iyadoo loo soo marayo Internet-ka.

Siyaabaha ay Nigerian-kani la eedeeyay wax u dhacaan ayaa waxaa ka mid ah iyagoo adeegsanaya email-ada madaxda shirkadaha isla markaana iska dhigaya Agaasimayaasha shirkadaha, waxaana ay bar tilmaameedsadaan shirkadaha waaweyn, kuwa yaryar, dukaannada, ururrada kaniisadaha iyo xitaa Garyaqaannada. Baaritaannada booliska Mareykanka ayaa shegaya in 1000 qof oo Los Angeles deggan laga dhacay 73 milyan oo dollar iyadoo loo soo marayo qaabka Online-ka ah ee Internet-ka.

Waxaa intaa dheer in dadka ay burcad Internet-kani Nigerian-ka ah khiyaameeyeen ay kasoo jeedaan waddamamda Colombia, China, Germany, Japan, Mexico, UK iyo United Arab Emirates. Waxaa yaab leh in xarunta ugu weyn ee Tuugadan Internet-ka adeegsata ee ay weerarka ka soo qaadaan ay tahay gudaha waddanka Nigeria, halkaas oo dhallinyarada ku nool dalkaasi ee shaqo la’aanta ah ay ku daysadaan ragga iyaga ka waaweyn ee dadka dunida ku nool lacagta ka dhaca iyagoo adeegsanaya Internet-ka, waxaana gudaha Nigeria burcad Internet-ka looga yaqaannaa kuwo wanaagsan oo lagu daysado.

Dhanka kale kiis kale oo midkan ka madax bannaan ayaa dhowaan ay la yaabeen dhammaan dadka reer Nigeria, kaddib markii Sir doonka FBI-da Mareykanku ay soo xireen mid ka mid ah ganacsadeyaasha da’doodu ka yar tahay 30 sano ee ku jira liiska Milyaneerrada ugu taajirsan caalamka, kaasoo lagu magacaabo Obinwanne Okeke oo magiciisa loo soo gaabiyo (Invictus Obi) oo lagu eedeeyay in uu 11 Milyan oo dollar qaab tuuganimo ah shirkaddiisu uga dhacday shirkado kale oo waaweyn iyadoo adeegsanayda dukumiintiyo iyo emailo been abuur ah. Inkastoo Okeke uu arrintaasi dafiray maxkamadda horteeda, haddana waxa uu weli ku jiraa gacanta Booliska gobolka Virginia oo dhowr mile u jirta Washington.

Sanadkii 2016-kii waxaa Obinwanne Okeke lagu daray liiska Milyaneerrada da’da yar ee lagu daabacay wargeyska ‘Forbes Magazine’, isagoo shirkaddiisa Invictus Group ay mashaariic isugu jirta Tamarta iyo dhismaha ah ka fuliso waddammada Nigeria, South Africa iyo Zambia. Isku soo wada duuboo waddanka Nigeria ayaa waxaa tuugada Internernet-ka ka ugaarsata waxaa loo yaqaannaa magacyo local ah sida (Yahoo Yahoo ama G-Boys), waxaana shacabka Nigeria ay burcaddaasi u arkaan kuwo lagu faano oo shaqadoodii ka soo baxay, balse sida dhabta ah waxaa dadkaasi ay yihiin tuugo lacagta xadda xeeladdey doonaan ha ku soo qaadaane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here